Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland oo dalab u gudbiyay Golaha Wakiillada

0
1150

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida joogtada ah ee aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir iyo maamulka Bangiga.

Kulankan, ayaa waxaa Guddoomiyaha Bangiga dhexe ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Bangiga, madaxa maamulka iyo lacagta ee bangiga.

Kulanka oo saacado qaatay, ayaa markii uu soo dhamaaday, waxaa warbaahinta u faahfaahiyay ujeedkiisa Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo Guddida joogtada ee golaha Wakiillada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida joogtada iyo anshaxa ee golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamuud Xayir Ducaale, ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo maamulka bangiga ay ka xog waraysteen shaqada Bangigu u hayo qaranka iyo bulshada.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, oo isna hadlay, ayaa sheegay in Guddida joogtada iyo anshaxa ee golaha ay uga warbixiyeen shaqada ay hayaan iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Guddida joogtada ee golaha ay ka dalbadeen inay u dedejiyaan xeerarka Bangiga ee golaha horyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here