Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo La Filayo Inay Kulan Iskugu Yeedhaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran

0
1101
guddida joogtada ah ee golaha guurtida somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya In guddida joogtada ah ee golaha guurtida somaliland la filayo inay maalinka barri ah kulan ay iskugu yeedhaan guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland iyo masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo maalmihii u danbeeyey isku maandhaafsanaa qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland wakhtigii loo asteeyey xaaladda abaareed ee jirta awgeed.

Waxaana guddigan joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ay saddexdan xisbi qaran iyo guddiga doorashooyinka kala hadli doonaan sidii xal waara looga gaadhi lahaa arrinkan qabsoomida doorashada madaxtooyada ee ay isku maandhaafsan yihiin xisbiyada qaranku,sidii xisbiyada qaranka looga dhaadhicin lahaa in aanay wakhti xaadirkan suurto gal ahayn in ay dalka ka dhacdo doorashado maadaama lagu jiro xilli adag oo abaar baahsani dalka jirto,badina dadkii xoola dhaqatada ahaa ay ka hayaameen deegaanadii ay daganaayeen taasna ay tahay ta keentay in qabsoomida doorashada ay isku maandhaafaan xisbiyada qaranku.

Dhinaca kale guddigan joogtada ah ee golaha guurtidu waxa ay si wayn ugu mashquulsan yihiin sidii ay muddo kordhin ka badan inta ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradka ahi ugu samayn lahaayeen xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,iyada oo xogahanna ay noo sheegeen in guddigan golaha guurtidu ay jeebka ku wataan muddo kordhin hal sanno iyo wax ka badan ah oo loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo taas oo ay u sababaynayaan in aanay suurto gal ahayn in abaartan baahsan ee dad iyo duunyaba saamaysay lagaga soo kaban karo muddo lix bilood ah,waxaana la filayaa in ay maalinka barri ah usoo bandhigaan xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhag taagaya natiijada kama danbaysta ah ee kasoo baxda qabsoomida doorashada madaxtooyda Somaliland.

Gabagabadiina shalay ayay ahayd ka dib markii madaxwaynaha Somaliland uu kulan la qaatay xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka qaranka isla markaana uu sheegay inuu la qaatay qodobada ay isla qaateen xisbiyada qaranku una gudbiyeen guddiga komishanka qaranka ee afarta qodob ahaa  isla markaana kala ahaa

  • In ay dalka abaar baahsani ka jirto
  • in aana suurtogal ahayn isla markaana ay iska hor imanayaa qabsoomida doorashada madaxtooyada ee 28 bishan March ku astaysan iyo xaalada abaareed ee ka jirta dalka,
  • Xisbiga KULMIYE waxa uu soo jeediyey in arrinkaa xalkeeda loo raaco furdaamin sharci
  • Xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID-na waxay soo gudbiyeen in doorashada dib loo dhigo muddo Lix Bilood ah

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here