Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Galabta Ku Dhawaaqaya Natiijada Doorashada Madaxtooyada Oo Muddo Shacabku U Dhag Taagayeen

0
1596
Xarunta koomishanka ee loo diyaariyay in lagaga dhawaqi donaa Madaxwaynahaa 5aad ee Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa galinka danbe ee maanta ku dhawaaqayaan natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland oo maalinkii Isniinta bishuna ahayd 13-kii Noofember ka dhacday guud ahaanba dalka Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo muddo 8 caano maal ah laga sugayay ku dhawaaqista natiijada doorashada,ayaa galabta ku dhawaaqaya.

Waxaana xarunta guddiga doorashooyinka lagu soo daadiyay saaka ciidmo Military ah,kuwaas oo si wayn u sugaya amaanka goobta lagaga dhawaaqayo Natiijada Doorashada Madaxtooyada.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa marti qaaday murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran,balse waxaan la garanayn in murrashaxiinta xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Amb Maxamed Cali Aw Cabdi in ay iman doonaan,iyada oo xalay murrashax Dr Cabdiraxmaan Cirro uu shaaca ka qaaday inaaanu ogalaanayn in lagu dhawaaqo natiijo madmadow ku jirto.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhag taagaya ku dhawaaqista guddiga doorashooyinku natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana ay shaacinayaan murrashax madaxwayne iyo ku xigeen ee ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland ee shanta sanno ee soo socota.

Ku dhawaaqista natiijadan ayaa ah mid hordhac ah,waxaana guddigu ay u gudbinayaan maxkamadda sare oo xalaalaynaysa.

Kala Soco Wararka HargeisaPress

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here