Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Midowga Yurub Maxay Ka Wadahadleen?

0
1742

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.

Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, ayaa waxaa ay kulnkaasi kaga wadahadleen u diyaargarowga hawlaha doorashooyinka ee Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka oo u muddaysan 31 May 2021, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey kulankaas iyo waxa labada dhinac ku wadaageen, waxaanu u dhignaa qoraalku sidatan:-

“Koomiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta Kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub & Xubno Xafiiskiisa ka tirsan,  kuwaasoo Komishanka kuusoo booqday Xaruntooda Hargeysa. Xubnaha KDQ ayaa Safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay Diyaargarawga qabashada Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanada JSL.

Kulanka ayaa ugu dambayntii kusoo idlaaday Is-afgarad buuxa, Iskaashiga & Wada-shaqaynta in la sii xoojiyo.

Safiirka, ayaa KDQ & guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee Doorashooyinka & Dimoqraadiyadda Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalkan Guddiga doorashooyinka Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here