Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dacwad Ka Dhan Ah Xisbiga Waddani Oo Uu Uurcade U Gudbiyay

0
1265
Guddoomiye Cirro iyo xoghayihii guud ee xilka laga qaday Maxamed Cabdilaahi Uurcade

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa la sheegay inay go’aan ka soo saareen dacwad uu dhawr bilood ka hor u gudbiyay xoghayihii xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo ay guddiga fulinta ee xisbigu sheegeen inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen.

Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa Geeska Afrika u sheegay in ka dib markii uu dacwad u gudbiyay ay guddigu go’aamisay in xisbigu muddo saddex bilood ah shirweynihiihiisa ku qabsado. “Guddida Diiwaangelinta Ururadda iyo Ansixinta Axsaabta, ayaanu anagu dacwadayadii u gudbinay, go’aankiina way soo saareen,  waxaanay yidhaahdeen muddo saddex bilood ah waa inaad Shirkiini ku qabsataan.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcade, laakiin wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan go’aanka guddiga diiwaangelinta.

Xisbiga Waddani oo uu HargeisaPress isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan, ayaanay noo suurtogelin inaanu helno, waxase ay wararku xaqiijiyeen in guddiga diiwaangelinta xisbiga gaadhsiiyeen go’aankooda.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here