Guddiga Beelaha Direed Oo Canbaareeyay Tacadiyo Jubaland Kula Kacay Dad Shacab ah

0
63

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga madax dhaqameedka beelaha Direed ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyin dad shacab ah loogu gaystay degaamo ka tirsan maamulka goboleedka Jubaland.

Madax dhaqameedka beesha Direed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxay sheegeen in dhibaato badan magaaladda Kismaayo loogu gaysanayo dad ka soo jeedda beelaha Direed ee halkaas degan.

Waxaanay ku taliyeen laga shaqeeyo walaaltinimadda iyo wada noolaanshiyaha dadka wada dega Kismaayo, isla markaana dadka beelaha Direed laga joojiyo dhibaatooyinka lagu hayo.

Iyagoo xusay in ay canbaaraynayaan tacadiyo maamulka Jubaland kula kacay dadka maatidda iyo caruurta ah ee beelaha Dirr.

Halkan Hoose Ka Daawo Guddiga Beelaha Direed Oo Arrimahaas Ka Hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY