Guddida joogtada ee Golaha Wakiillada oo sharci-darro ku tilmaantay dacwadii Xeer-ilaalinta

0
1801

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaantay dacwadda maamuus ka xayuubinta ee Xeer-ilaalinta guud ka gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer-ilaalinta Somaliland, ayaa 16-kii bishan July, waxay dacwad maamuus ka xayuubin ah ka gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib, iyadoona dacwad culus ku soo oogtay.

Guddida, ayaa saaka waxaa ay Xildhibaanada ka horjeediyeen eedda Xildhibaan Maxamed Abiib loo haysto.

Waxayna u soo jeediyeen mudanayaasha kale in ay ku raacaan isla markaana cod ku diidaan in Xildhibaan Maxaned Abiib lagu sameeyo maamuus ka xayuubin.

Gole weynaha, ayaa warbixinta kadib go’aan gaadhi kari waayay dacwadii Xildhibaanka, maadaama oo aanay joogin tirada Xildhibaanadii loo baahnaa si codka loogu qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here