Guddida Doorashooyinka Somaliland oo war cusub ka soo saaray arrimaha doorashada

0
1091

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa war cusub ka soo saaray arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka isku biirista xisbiyadda iyo ururrada ka qayb gelaya doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka qabsoomaan.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in isku biiristii xisbiyadda qaranka iyo ururrada siyaasaddu ay dhammaadeen14-kii bishan August, isla-markaana loo raacayo xeerka 14/23.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in lays la akhriyo labada Xeer ee kala ah Xeer Lr.91/2023 iyo Xeer Lr. 14/2023, kuwaas oo sheegaya hanaanka iyo wakhtiga soo gudbinta iyo soo saarista liiska xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda ee ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada iyo xisbiyada qaranka ee la qorsheeyay inay Somaliland ka dhacaan 13-ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Waxaa uu xusay in isku biirista xisbiyadda ururrada ay masuuliyadeeda leeyihiin guddida diiwaangelinta ururrada iyo asxaabta qaranka Somaliland.

Guddida diiwaangelinta, ayuu sheegay in laga rabo inay 60 cisho ka hor wakhtiga doorashada ay u soo gudbinayaan guddida doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa ugu dambayn, waxaa uu bulshada uga digey in wararka been abuurka ah ee bulshada lagu jahawareerinayo la iska daayo, loona daayo guddida doorashooyinka shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here