Guddida Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay sida natiijada doorashada loogu dhawaaqayo

0
2045

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa waxaa uu sharaxaad dheeraad ah uu ka bixiyay sida loogu dhawaaqayo natiijada doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee doorashooyinka, ayaa sheegay in marka hore la soo saari doono natiijooyinka degmooyinka iyo gobolada, kadibna lagu dhawaaqi natiijada guud.

Wuxuu sheegay in kadib marka natiijada guud lagu dhawaaqo maalinta Arbacada ee ay bushu tahay 21 November, kadibna loo gudbin doono maxkamada sare si ay go’aan uga gaadho.

Maxkamadda sare ee dastuuriga ah, ayuu sheegay in ay awood u leedahay ka garnaqa iyo ka go’aan gaadhista cabashada la xidhiidha natiijo doorasho iyo doorashada tooska ah ee asxaabta qaranka.

Wuxuu xusay in musharaxiinta iyo ururrada cabashada qaba la siin doono wakhti ay dacwadagooda ugu gudbistaan maxkamadda dastuuriga ah, si looga garnaqo.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa ugu dambayntii, waxaa uu digniin culus u diray xisbiyada, shacabka iyo warbaahinta, isagoona uga digay faafinta natiijooyin umada khalkhal ku abuuri kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here