Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxay maanta xafiiskooda ku qaabileen wefti ka socda dowladda Ingiriiska.
Weftigan ka socda dowladda Ingiriiska, ayaa waxaa hogaaminayay Chris oo ah Agaasimaha horumarinta ee UK FCDO iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Ilyas Malek oo ay wehelinayaan saraakiil kale.
Kulanka Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo weftiga ka socda dowladda Ingiriiska, ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta guud ee doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.
Xogwaraysi labada dhinac ah kadib, Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxay kormeer indho-indhayn ku soo mariyeen bakhaarada hawlagallinta ee komishanka doorashooyinka oo ay diyaar ku ahaayeen dhammaan agabkii goobaha codbixinta doorashada ee dalka Somaliland.
Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay uga mahadceliyeen dowladda UK, kabka dhaqaale ee ay ka gaysteen doorashooyinka 2024.