Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay hawlaha doorashada ee berito

0
1484

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hawlaha Doorashooyinka Somaliland, ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo maalinta beri oo Arbaca ah 13 Nov 2024 guud ahaan dalka looga dareerayo codbixinta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururrada u tartamaya Xisbiyada.

Gudidda doorashooyonka Somaliland, ayaa sheegay in gebi ahaanba agabkii doorashooyinka hawlwadeenadii iyo  ciidamada goobaha loo wada diray oo ay si nabadgelyo ah u gaadheen.

Gudidda doorashooyinka, ayaa sheegay inay gobolada u direen ciidamada ka hawlgelya goobaha codbixinta, kuwaas oo sugaya amniga goobaha iyo ilaalinta doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ay shaaciyeen wakhtiga la joojinayo isu socodka gaadiidka.

Gobolada Sanaag, Sool, Togdheeer, Saaxil, Maroodijeex iyo Awdal, sida ay xaqiijiyeen dhammaan xubnaha Gudidda Doorashooyinka qaranka ee ku sugan gobolada oo sheegaya inay si nabad ah u gaadheen agabkii iyo hawlwadeenadii goobaha fog-fog ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Doorashooyinka Somaliland ee maalinta beri loo dareerayo waxa ka qaybgalaya qiyaastii 1, 200. 000 codbixiye, kuwaas oo go’aan ka gaadhi doona mustaqbalka hoggaaminta shanta sanadood ee soo socota iyo sidoo kale, Ururrada oo la doonayo inay ka soo baxaan saddex Xisbi qaran oo noqon doona kuwa bulshada ku meteli doona siyaasadda.

Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxa kale oo ka mid ah oo markii u horreysay la isticmaalayaa in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaadhadh aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.

Doorashooyinkan isku sidkan ee maalinta berito ah ka dhacaysa Somaliland, ayaa ka loollan iyo xamaasad badnaan kuwii hore u dhici jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here