Guddida diyaarinta miisaaniyadda dowladda oo kulan ka yeeshay diyaarinta miisaaniyadda 2025-ka

0
1175

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida heer qaran ee diyaarinta siyaasadda miisaaniyadda dowladda, ayaa waxaa ay maanta yeesheen kulankoodii shaqo ee ugu horeeyey ee diyaarinta Miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2025-ka, iyada oo laga shidaal qaadanayo xeerka maamulka maaliyadda dowladda.

Kulan-hawleedkan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, ahna Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qabsoomay Madaxtooyada, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirada xubnaha ka ah guddida, Madaxda waaxaha dhaqaalaha iyo tirokoobka maaliyadda, miisaaniyadda & qorshaynta, saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Kulankaasi oo sida xeerarka miisaaniyaddu dhigayaan, waxaa ay madaxda wasaaradda horumarinta maaliyaddu guddida kula wadaageen warbixinta guud-marka ah ee xaalada guud ee dhaqalaha dalka, taasi oo aas-aas u ah diyaarinta miisaaniyadda dawladda.

Waxaa kulankani intii uu socday la is kula falaanqeeyay meelaha ay tahay in mudnaanta la siiyo sannad miisaaniyaddeedka soo socda ee 2025-ka.

Guddida, ayaa sii wadan doonta kulamadooda si ay u dhamaystiraan siyaasada miisaaniyadda dowladda ee sannadka dambe ee 2025-ka, iyadoona kulamada xiga loo balansanyahay todobaadyada soo socda sida uu qorshuhu yahay.

Hawasha diyaarinta miisaaniyadda dowladda, ayaa sida caadada ah bilaabanta bisha May ee sanad kasta ilaa iyo dhamaadka bisha October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here