Golaha Wakiillada Somaliland oo Guddoomiye Cusub yeeshay

0
303

Hargeysa (HargeisaPress) –Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub, waxaana 46 xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada fadhiga joogay ay u codeeyeen Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaji Maxamud Xiir (Faratoon) inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada.

Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Khadar Daahir, ayaa helay 35 cod. Doorashadan, ayaa dhacday markii uu furmay kal-fadhigii lixaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta oo Axad ahayd furmay.

Yaasiin Faratoon, ayaa beddelaya Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmedoo is casilay bishii Juun.

Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo olole xooggan ugu jiray maalmihii ugu dambeeyay Kursiga Guddoomiyaha Golaha, ayaa xalay ka tanaasulay inuu tartamo, taasoo fududaysay in si deggan ay maanta u dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah Golaha labaad ama hoose ee Baarlamaanka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here