Golaha Wakiilada Somailand Oo Maanta Ansixiyey Wasiirkuxigeenka Duulista

0
857

Hargeysa, (HargeisaPress) —Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magcaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xubnahan oo uu ka mid ahaa Wasiirkuxigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Guuleed Maxamed Shire, iyo Wasiirudawlaha Arimaha Dibada Maxamed Mixile Boqore, sidoo kale waxaa isna xubnahaas ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaarada Beeraha Cabdi Waaxid C/raxmaan Cabdi Qaadir iyo laba masuul oo kale.

Fadhigan maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Gudoominayey, Gudoomiye kuxigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax, iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Cali Yuusuf, fadhiga oo ay fadhiyeen 42 mudane ayaa markii C.V-yadooda uu golaha ka hor akhriyey Xogyaha Guud ee Golahaasi Cabdirisaaq ay cod aqlibiyad ah ku ansixiyeen goluhu masuuliyiintaas.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here