Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu maanta Billad Sharaf Guddoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.
Munaasibada Billad Sharaf lagu Guddoonsiinayay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland, ayaa waxaa ay ka qabsoontay xarunta guud ee Golaha Guurtida Somaliland.
Kulankan waxaa Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland ku wehelinayay Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Ilkacase iyo Xildhibaano ka tirsan golaha.
Sidoo kale, waxaa taliyaha ku wehelinayay kulanka Xoghayaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland Ibraahim Suldaan Xasan Barre iyo Hogaanka Hawlaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Cabdicasiis Axmed Cilmi.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku bogaadiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili kaalinta laxaadka leh ee uu ugu jiro Qaranka iyo shaqada nafhurka ah ee ay qabteen ciidamada Dabdemisku, iyo Hogaaminta uu ku hogaamiyay Ciidanka Dabdemiska shaqada Quruxda badan ee ay Qaranka u hayaan.
Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somaliland, ayaa halkaa uga mahadnaqay Guud ahaan Golaha Guurtida iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan billad sharaftan, waxaana sidoo kale u mahadnaqay Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Xildhibaan Cabdiraxmaan Ilkacase iyo Guddidisa iyo Xoghayaha Golaha Guurtida Cabdinaasir Beegsi.
Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi oo ugu dambeyntii madasha hadal ka jeediyay, ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ka bixiyay Billad Sharafta uu Golaha Guurtidu Guddoonsiisey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.