Hargeisa (Hargeisa Press) – Fadhi ay maanta yeesheen Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ay Xildhibaanadu dood adag kaga yeesheen Xeerka Sahaminta Shidaalka dalka.
Fadhigan oo shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanada golahaasi dood iyo falayn qayn ka yeesheen xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021.
Xildhibaanadii dooddaas ka qayb-qaadanayay ayaa waxaa ka mid ahaa, xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan, Xildhibaan Jirde Siciid, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug.
Waxanay Xildhibaanadu ku doodeen in xeerkaasi yahay mid qaranku u baahan yahay, waxaanay shirgudoonka u soo jeediyeen in guddi loo saaaro.
Ugu dambayn shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa xeerka Sahaminta Shidaalka xeer lambar 95/2021 ay ku wareejiyeen guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay kaabis iyo wax kabadal ugu soo sameeyaan, isla markaana ay dib ugu soo celiyaan golaaha.