Golaha Dhexe ee Beelaha Subeer Awal ugu Jira xisbiga KULMIYE oo Taageero Buuxda Siiyey Guddoomiye Muuse Biixi + SAWIRRO

0
1310

Hargeysa, (HargeisaPress) —Aqlabiyadda ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beelaha Subeer Awal (Sacad Muuse, Baha Muuse iyo Ciise Muuse), ayaa si buuxda u taageeray murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi kadib Madaxweyne Siilaanyo.

KUL BIX

Kulan isugu jira shaqo iyo fadhi qayilaad ah oo xubnaha golaha dhexe ee beelaha Subeer Awal ku yeesheen hoolalka shirarka ee Green Plaze ee galbeedka Hargeysa maanta, kana qaybgaleen in ka badan 50 ergay ka tirsan golaha dhexe oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, maareeyayaal iyo agaasimayaal hay’ado dawladda ka mid ah madax ka ah iyo weliba siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo isaga kala yimi gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley.

KUL BIXI

Kulankaas oo ahaa mid warbaahintu dibad joog ka ahayd marka laga reebo sawirro guud oo madasha laga qaaday, balse sida xubno ka qaybgalay xaqiijiyeen, lagana dheehday muuqaallada taswiirtaasi waxa goob-joog ka ahaa ugu yaraan 54 ergay oo ay ku jiraan Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha – Dr. Sacad Cali Shire iyo Dr. Maxamed Aw Daahir, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Daakhiliga iyo Warshadaha – Axmed Faarax Cadarre iyo Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin; Ibraahim Axmed Haybe, Maxamed Xuseen, Maxamed Baaruud, Axmed Waysa-cadde iyo xubno kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Guddoomiyaha Komishanka La-dagaallanka AIDS Prof. Cabdi Cali Jaamac, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawanooyinka WFP Mr. Siciid Xasan Ibraahim, Guddoomiyaha Garabka haweenka ee KULMIYE Canab Cumar Ileeye, agaasimayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, guddoomiyayaasha xisbiga ee saddexda Gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley, siyaasiyiin miisaan leh iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda beelaha Subeer Awal, xubnana ka ah Golaha Dhexe ee KULMIYE, iyadoo halkaasina lagu casuumay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

KUL MM

Waxa kaloo la sheegay in madashaasi magacyadooda laga xaadiriyey ilaa 14 xubnood oo kale oo kulanka uga baaqday safarro dibadeed iyo hawlo kale oo ay ku mashquulsanaayeen, soona codsaday in la fasaxo oo ay mabda’ ahaan la socdaan, kuwaas oo ay ku jireen Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo masuuliyiin kale.

KUL MI

Warku intaa ku daray in dhinacyadu isku xog-waraysteen fadhiga qayilaadda ah, iskuna raaceen dhammaantood oo ay ka go’an tahay taageerada iyo inay dhisaan murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kadib, iyadoo halkaasi la isku waydaarsaday hugo-tusaalayn taariikh ku salaysan iyo dardaaran la is faray sidii looga midho-dhalin lahaa in doorashada Guddoomiye Muuse ee murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.

KUL 66

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here