Geedi socodka Doorashooyinka Somaliland ee 59-ka maalmood ka hadhsan tahay

0
2143

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalka Somaliland waxaa ka socda diyaargarowgii u dambeeyey ee doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda oo labadii sanno ee u dambeeyey qabashadooda muran ka taagnaa.

Doorashadan loo ballansan yahay oo 13-ka November ee sannadkan 2024-ka, oo muddo 59 maalmood ahi ka hadhsan yihiin, oo noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo markii ay madax-banaanida la soo noqotay 33 sanno ka hor.

Xalkii odayaasha ee dhabbaha u xaadhay geeddiga doorasho

Doorashooyinka Somaliland

Doorashooyinkan Somaliland, oo ay hadheeyeen khilaafyo culus oo dhaliyey muddaharaadyo dhiig ku daatay sida arrintii ka dhacday Gacan Libaax ee markii dambe la xalliyey, ayaa xudunta khilaafkoodu ahaa muddo kordhin laba sano ah oo Guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Biixi, taas oo Mucaaradku si weyn u diideen.

Sidoo kale, kala horraynta labadan doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururrada ayaa iyana laba mowqif oo kala fog ay ka taagnaayeen Mucaaradka oo iyagu doonayey in la soo horreysiiyo Doorashada Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo doonaysay in la soo horreysiiyo ta Ururrada.

Xal ay soo saareen odayaal dhaqan oo is-xilqaamay, ayaa khilaafkaas muddada laba sano soo jiitamayey ku soo afjarmay in labada doorasho hal mar la wada qabto, soo jeedintaas oo dhinacyadu aqbaleen, dhabbahana u xaadhay qabashada doorashadan la filayo 13 Nofember.

Tallaabooyinka guddiga doorashooyinka iyo sida ay meesha uga saareen shakigii ahaa ‘dib u dhac’ kale

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo dhinaca qabashada doorashooyinka loo qaaday, kuwaas oo ah in ay soo saaraan liiska kama dambaysta ah ee Xisbiyada iyo Ururrada ka qayb galaya doorashada isku sidkan ee Ururrada iyo Xisbiyada, kuwaas oo tiradoodu gaadhayso toban.

Saddex Xisbi oo kala ah Kulmiye, Waddani, UCID iyo toddoba Urur oo kala ah Barwaaqo, Kaah, Talo Wadaag, Rejo, Hilaac, Horseed iyo Shacabka.

Waxa kale oo Guddida doorashooyinku si rasmi ah shalay u guddoonsiiyey shahaadada murrashaxnimo, murrashaxiinta jagada Madaxweyne iyo kuxigeen ee saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Tallaabooyinkan, ayaa fududeynaya in meesha uu ka baxo walaac muddooyinkii u dambeeyey laga qabay in ay dib u dhac kale uu ku iman karo doorashooyinka Somaliland.

Maxay yihiin qodobbada udub dhexaadka u ah loollanka doorashooyinkan

Inkasta oo aanu ololaha doorashooyinku bilaaban, haddana isu soo baxyo ay samaynayaan Mucaaradka iyo Muxaafidku, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka socday Magaalooyinka Somaliland, halkaas oo madaxda Xisbiyadaas ugu soo bandhigayeen taageerayaashooda barnaamijyada siyaasadeed ee ay doonayaan in lagu doorto.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doorashada soo socotana la filayo in mar kale ay ku loollamaan, ayaa soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedyo ay doonayaan in loogu codeeyo.

Cumar Siciid, oo ah bare culuunta Siyaasadda ka dhiga Jaamacaddaha Hargeysa, ayaa sheegaya in qodobada udub dhexaad u noqon kara doorashooyinka ay ka mid yihiin aqoonsiga oo Xisbiga Kulmiye uu siinayo mudnaanta koowaad, halka uu Xisbiga Waddani uu ku ololaynayo midaynta shacabka Somaliland iyo gaadhista xuduudaha.

“Haddii aynu eegno Kulmiye barnaamijka uu soo bandhigay waxa uu mudnaanta siinayaa aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku ololaynaya is fahamkii Somaliland iyo Itoobiya, uu dhawaan aqoonsi keeni doono iyo qodob kale oo ah difaaca Somaliland” ayuu yidhi Cumar Siciid.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxa uu qodobka ugu weyn ee uu ku ololaynayo uu ka dhigtay xaaladaha gobollada Bariga Somaliland iyo qorshaha uu u hayo Magaalada Laascaanood.

“Waddani Barnmaanij siyaasadeedkiisa waxa ugu weyn oo uu ku soo bandhigay dib u habaynta Ciidamada Qaranka iyo inuu midayn doono shacabka Somaliland, xuduudda Somalilandna ku gaadhi doon hab nabad ah” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Cumar Siciid.

Maxay doorashooyinkan kaga duwan yihiin kuwii Somaliland ka dhici jiray

Doorashadan la filayo in ay Somaliland ka dhacdo, ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacda Somaliland tan iyo 2002-dii, markaas oo hannaanka Xisbiyada badan ka hano qaadeen dalka.

Doorashadan, ayaa ah mid dhawr qodob kaga duwan doorashooyinkii hore marka loo eego, sida uu qabo Cabdinaasir Axmed Aadan, oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo Hargeysa ku sugan.

“Doorashada waxa ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.”

Dadkan isu diiwaan geliyey in ay doorashadan codkooda dhiibtaan, ayaa ka badnaan doonta kuwii doorashooyinkii hore.

Dhinaca kale, codeeyayaal gaadhaya 1,22,228, ayaa iska diwaan geliyay 1,232 goobood oo dalka Somaliland ka tirsan.

Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxa kale oo ka mid ah oo markii u horreysay la isticmaalayaa in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaadhadh aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.

Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen bishii hore.

“Komishanka doorashooyinka iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururradu waxay ku heshiiyeen in qalabka hubinta indhaha ee codbixiyeyaasha la dhigo lixda magaalo ee waaweyn ee Somaliland” Sidan waxa lagu sheegay war ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Maxaa xigi doona gudbinta soo saarista murrashaxiinta, Xisbiyada iyo Ururrada ka qayb galaya doorashooyinka

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, waxa ay si rasmi ah u bilaabeen hawlaha qabashada doorashada, ka dib muddo ay soo wadeen u diyaar garow.

“Imika waxa si rasmi ah u billowday hawlaha doorashooyinka, waxaanu u bixi doonnaa goobaha sanaaduuqda la dhigayo, si aanu u soo qiimayno, waxa la dhaariyey oo gobollada iyo degmooyinka u kala baxaya hawl wadeennada ka shaqaynaya goobaha cod-bixinta” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.

Ammaanka goobaha loo qorshaynayo sanaaduuqda cod-bixinta ayuu sheegay guddoomiyuhu in ay iyaga qiimayn doonaan, iyaga oo kaashanaya hay’adaha ammaanka iyo daneeyayaasha doorashooyinka.

Ololaha doorashada, ayaa la filayaa inuu bilowdo bisha soo socota ee Oktoobar, waxaanu socon doonaa ilaa horaanta bisha November.

Maalinta loo dareeri doono goobaha cod-bixinta, ayaa ku mudaysan 13 bisha Nofember ee sannadkan 2024-ka, waxaana la filayaa in doorashooyinkan isku sidkan ay ka loollan iyo xamaasad badnaan kuwii hore u dhici jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here