Aysenur oo ciidamada Isra’il dileen oo lagu aasay Turkiga

0
619

Ankara (Hargeisa Press)- Aysenur Ezgi Eygi oo ahayd Gabadh Mareykan ah, balse asal ahaan ka soo jeedday Turkiga oo dhawaan ciidamada Isra’il ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka la heysto xilli ay ka qeyb galeysay bannaanbax lagu taageerayay xorriyadda Falastiin, ayaa lagu aasay degmada ay ka soo jeedday oo ku taalla Turkiga.

Kumannaan qof, ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyadoo dareenka lidka ku ah Isra’il ee Turkiga uu sare u sii kacay, arrintaas oo ka dhalatay colaadda sii baaheysa ee ka jirta mandiqadda Bariga Dhexe.

Aysenur Ezgi Eygi, oo aheyd 26 jir ku nooleyd magaalada Seattle, ayay toogteen ciidamada Isra’il 6-di bishan September xilli uu socday bannaanbax lagaga soo horjeeday deegaameynta ay Isra’il ka waddo dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Ayshenur, ayaa lagu aasay degmada Didim ee ka mid ah magaalooyinka kulaala badda Eejiyaanka ee u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga.

Calanka Turkiga, ayaa ku daboolnaa naxashka lagu waday meydkeeda, iyada oo ay dad badan oo qiireysnaa ay ka qeybgaleen aaskeeda.

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka, ayaa cambaareeyay dilkeeda, kuna baaqay in lagu sameeyo baadhitaan.

Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza, ayaa sii socday Sabtidi shalay, iyada oo la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza.

Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza, ayaa sheegtay in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah.

Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza, ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here