Garaadka Beesha Dhulbahante oo Ka Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Somaliland

0
2742

Laascaanood (Hargeisa Press) – Garaadka guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ka jawaabay hadalkii uu shalay jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidhay in dilalkii ka dhacay Laascaanood ay kooxo argagixiso ahi fuliyeen.

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in ay ka xunyihiin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland, isla-markaana ay cadaynayaan in dadkii dilalka ka fuliyay magaalada Laascaanood aanay argagixiso ahayn.

Garaadka, ayaa waxaa uu hadalka Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay mid dhibaatadii hore ee jirtay sii hurinaya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka shiraya ee reer Laascaanood ee ayaahooda ka tashanaya ayna argagixiso ahayn, islamarkaana gobolka Sool aanay argagixiso joogin.

Garaadka, ayaa ciidamada Somaliland ku tilmaamay argagixiso, waxaanu sheegay in aanay jirin argagixiso aan ciidamada Somaliland ahayn oo gobolka joogta.

Sidoo kale, Garaadka, ayaa wuxuu sheegay in dhibaato kasta oo gobolka Sool ka dhacda ay u qabsan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu sheegay in Dalalka Adduunka uu ugu baaqayo in aanay taageerin Ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato ka soo gaadhay shacabka ku dhaqan gobolada SSC.

Si kastaba, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay xaaladda gobolka Sool, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ay kooxo argagixiso ah oo umada isku dirayaa fuliyeen, isagoona shirka Madax-dhaqameedka Dhulbahante ka rajeeyay in ay ka soo baxdo talo nabadgalyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here