Ganacsatada Qaadka Kenya oo Cabasho Ka Muujiyey Qaad U Socday Puntland oo Dib Loo Soo Celiyey

0
1247

Nairobi (Hargeisa Press) – Ganacsatada Qaadka Miirooga ee dalka Kenya ayaa mar kale sida fiinta uga qayliyey Diyaarad siday 11 tan oo Qaad ah oo ku socotay maamulka Puntland oo dawladda Federalka Soomaaliya ay dib usoo celisay.

Diyaaradan ayaa noqonaysa tii labaad ee Qaad siday oo Soomaaliya ay ka celiso hawadeeda muddo todobaadyo gudaheed.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta looga baahnaa.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii March taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay fasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Balse diyaaradaha xamuulka oo ay kamid yihiin kuwa Qaadka keena Soomaaliya weli lama fisixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here