Hargeisa (Hargeisa Press)- Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, oo ah ganacsade ka soo jeeda dalka Jabuuti, ayaa maanta lacag ugu deeqay dowladda Somaliland.
Ganacsade Boore ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna gudoomiyha Guddida Covid-19 ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku wareejiyey $100.000 oo doolar.
Sidoo kale, ganacsade Boore Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed ku wareejiyay qadar lacageed oo dhan $70.000 oo bulshadda jilicdasan raashin loo siin doono .
Hoos ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/1Wy9QuQ4Aig