Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa xilkii u kala wareejiyay gudoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Gabiley Axmed Cismaan Ismaaciil iyo guddoomiyaha cusub ee waxbarashada gobolkaasi Kayse Ibraahim Abyan.
Badhasaabka ayaa gudoomiyihi hore ugu duceeyay kuna sagootiyay mudadii uu qaranka u soo shaqaynayay, halka uu guddoomiyaha cusub na ku soo dhaweeyay shaqadda.
Waxaanu guddoomiyaha cusub u sheegay badhasaabku in ay sugayso shaqo aad u culus, maadaama oo ay wasaarada wax barashadda iyo saynisku tahay hal-bowlaha qaranka ee horumarka waxbarashadda.
C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu sheegay inuu guddoomiyaha cusub ee wasaaradda waxbarashadda Gabiley kula xisaabtami doono hadba wax qabadka iyo sare u qaadida tacliinta gobolka Gabiley guud ahaan ba.
DAAWO: Hadalkii badhasaabka Gabiley:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.