Hargaysa: Gabadh Fal Dil iyo Kufsi ah Oo Loo Gaystay

0
516

Hargaysa (HP): Waaxa habeen hore kufsi iyo dil la isugu daray Hinda Cumar, AHUN oo ahayd gabadh ku noolayd magaaladda Hargaysa.
Dilkaasi iyo kufsigaasi ayaa la sheegay in loo xidhay oo ku eedaysan in ay falkaasi ku kaceen.
Waxaana arrintaasi sida ay uga xun yihiin muujiyay Haween maanta isugu soo baxay degmadda Maxamed Mooge, ee magaaladda Hargaysa oo falkaasi ka dhacay.


Kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen “Hinda Cumar, cadaalad ha hesho” iyo erayo kaloo ay ku muujinayeen siday uga xun yihiin dhacdadaasi.

DAAWO: HAWEENKAASI OO FALKAASI KA MURUGAYSAN:

https://youtu.be/HjmB6D4DU4o

Dhhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamadda booliska magaaladda Hargaysa iyo haayadaha amaanka oo la xidhiidha falkaasi.
Marka laga reebo in warar aanu helnay ay noo xaqiijiyeen in falkaasi ay u xidhan yihiin laba nin oo ku eedaysan.
Falalka kufsiga haweenka iyo dilka la isugu darayo ayaa sanadahan danbe aad ugu soo badanayay guud ahaanba deegaamadda Soomaalida.
Gaar ahaana Somaliland iyadoo ay sanadkii tegay ee 2020-kii dhacdo sidan oo kale ah ka dhacday magaaladda Burco.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here