Kulan Dhexmaray Komishanka Tamarta Maamulka Sool iyo Ka Degmadda Laascaanood

0
444

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha komishanka Tamarta Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay oo safar ku maraya gobolka Sool ayaa maanta kulan la qaatay badhasaabka gobolka Sool iyo maayarka degmadda Laascaanood.

Kulankaasi ayay labadda dhinac kawa wada hadeen sidii bulshada looga wacyigalin lahaa khataraha ka dhasha Korontadda iyo sida looga faaโ€™iidaysto noocyadda kala duwan ee Tamarta.

 

Sidoo kale masuuliyiinta ka socday komishanka Tamarta Somaliland ayaa intii ay ku sugnaayeen magaaladda Laascaanood waxa soo kormeereen suuqyadda magaaladaasi.

Iyadoo kormeerkaasi ay ku wehelinayeen shirkada Sool Power ee addeega Korontadda siisaย  magaaladda Laascaanood, iyo sidoo kale ย xarunta shirkadda Sool Power, iyo cusbitaalka weyn ee Laascaanood ayay masuuliyiintaasi soo kormeereen.

Gudoomiyaha komishinka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa ka mahadceliyey kulankaas iyo booqashooyinka suuqyadda magalada Laascaanood iyoย  shirkada Laydhka ee Sool Power ee addeega Korontadda ee ay bulshada gobolka Sool ay siiso.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here