Foolkaano Markale Ka Qarxay Bariga Congo

0
661

Goma (Hargeisa Press) – Foolkaano kale, ayaa Sabtida maanta ah ka qarxay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, toddobaad ka dib markii foolkaano ku dhufatay buurta Nyiragongo ay sababtay in ay barakacaan kumannaan qof.

Afhayeenka dowladda Patrick Muyaya, ayaa sheegay in foolkaanada maanta uu ka bilowday dhul aan la daganeyn oo u dhow aagga Virunga oo ah meel hoy u ah rubuc ka mid ah daanyeerada sii dabar-go’aya ee Goriilaha.

Ku dhawaad 400 oo kun oo qof oo ku noolaa magaalada Goma ee bariga Kongo, ayaa ka cararay guryahooda sababo la xidhiidha foolkaanaha ka qarxay buurta Nyiragongo todobaadkii hore.

Dowladda, ayaa codsatay in kaalmo bani’aadannimo oo baaxadweyn ay u baahan yihiin dadkani oo la isugu geeyay meel 25 km u jirta galbeedka Goma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here