Burco (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si weyn uga deyriyay xaaladda ay Somaliland ku sugan tahay wakhtigan.
Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Burco, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay xilligan marayso sida uu sheegay marxalad aan weligeed soo marin.
Sidoo kale, Guddoomiye Faysal oo soo hadal qaaday khilaafkii arrinta doorashada ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi, ay labo sanno ku murmayeen qabashada doorashada madaxtooyada.
Waxaa uu sheegay in hay’addihii dowladdu ay fadhiisteen, oo Baarlamaankii Somaliland u kala qaybsamay reer, islamarkaana uu Xildhibaan kastaaba dabada la galay qabiilkooda.
Faysal Cali Waraabe, ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka dhacay magaalada.
Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu fariin u diray Salaadiinta iyo Culimada, isagoona ugu baaqay inay ku dhawaaqaan shirweyne lagaga arrinsanayo xaaladda Somaliland iyo arrintan magaalada Laascaanood.