Faysal Cali Waraabe oo Raysal Wasaaraha Ingiriiska ugu baaqay xoojinta-xidhiidhka Somaliland

0
3367
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha cusub ee UK, Keir Starmer inuu xoojiyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dalkiisu la leeyahay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa X, waxaana uu Raysal wasaaraha cusub ee UK Keir Starmer ku hambalyeeyay guusha weyn ee xisbigiisa shaqaaluhu ka gaadheen doorashadii guud ee Ingiriiska ka qabsoontay Khamiistii.

Guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay in guusha Raysal wasaare Keir Starmer ay tusmaynayso inuu  fursad u haysto uu dib ugu soo celiyo midnimada iyo adeegyada guud ee dalkiisa UK iyo kor u qaadista heerka iyo mustawaha Ingiriisku ka joogo caalamka.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inuu ka filayo Raysal wasaaraha Ingiriiska inuu xoojiyo xidhiidhka guunka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo UK.

Guddoomiye Faysal wuxuu ugu baaqay Raysal wasaare Keir Starmer in dawladiisu si togan u soo dhaweyso heshiiska is-faham ee ay wada galeen  Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaanu xusay inuu aaminsan yahay inuu isbeddel weyn oo macno leh ku samayn doono arrimahaas oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here