Faysal Cali Waraabe oo ka digay xubno Madaxweynaha Jabuuti udiray Muqdisho

0
4523

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si adag uga digay xubno ka dhan ah Somaliland oo uu sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u diray magaalada Muqdisho.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyay boggiisa X ee (Twitter), ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho u diray 13 xubnood oo ka soo jeeda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise.

Wuxuu sheegay in xubnahan ka soo jeeda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise ee uu Ismaaciil Cumar Geelle u diray Muqdisho, ay damacsan yihiin si ay u qorsheeyaan nabad galyo la’aan iyo qalalaase ka dhaca gobolka Awdal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin culus u diray Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle, isagoona uga digay qorshaha ay Somaliland u malleegayaan.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle, aanay waxba yeeli karin dadka wada dhashay ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here