Mareykanka oo bariga dhexe geeyay maraakiib iyo saanad dagaal

0
1094

Washington (Hargeisa Press)- Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, ayaa ku wajahan gobolka bariga dhexe iyo deegaanada ku dhow dhow si ay u xoojiyaan difaaca iyo taageerada Mareykanka ee Israel.

Waxaana laga cabsi qabaa in Iran ay ku qaado Israel, weerar aargudasho ah oo ka dhan ah dilkii gudaha Tehran loogu geystay Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa goor dambe oo Jimcihii ah saxeexay amar ku saabsan in saanad iyo awood milateri oo dheeraad ah in la geeyo bariga dhexe iyo qaybo ka mid ah Yurub, ka dib markii Iran iyo xulafadeeda gobolku ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin aargudasho ah.

Mareykan, ayaa tallaabooyinka uu qaaday waxaa ku jira, inuu gobolka bariga dhexe u diray markabka weyn ee diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln, oo ay la socdaan maraakiibta ciidamada badda iyo kuwa wax burburiya oo awood u leh inay soo ridaan gantaallada riddada dheer.

Intaas waxaa dheer in Mareykanku uu ciidamo dheeraad ah u dirayo gobolka iyo inuu gobolka geeyo awoodda difaaca gantaallada ee dhulka laga hago.

Arrintan, ayaa ku soo beegantay ka dib wadahadal dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray wasiirada difaaca ee Mareykanka iyo Isra’el.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here