Faysal Cali Waraabe oo ka digay shirqoolo Jabuuti iyo Soomaaliya wadaan

0
3267
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee  UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay shirqoolada ay wadaan Jabuuti iyo Soomaaliya ee lala damacsan yahay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sidan ku sheegay fariin qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter).

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa wuxuu baaq u diray madaxda xisbiyadda qaranka Somaliland iyo shacabka.

Waxaanu ugu baaqay madaxda xisbiyadda iyo shacabka inay u midooban difaaca qarankooda Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale sheegay in si looga hortago khataraha la qaado 4 tan qodob.

“Si looga hortago khataraha, Somaliland waa in ay qaaddaa tallaabooyin firfircoon:

Dawladda Fashilmay ee Soomaaliya iyo Digtaytarka dawlada Jabuuti ayaa qorshaynaya inay abaabulaan shaqsiyaad Somaliland ka soo horjeeda oo siyaasad ahaan iyo Milatari ahaanba SL u dhimaya.

1. In bulshada la baro caqabadaha ina soo food saara.

2. Waa in saddexda xisbi siyaasadeed soo saaraan bayaan wadajir ah oo ay ku xaqiijinayaan inay ka go’an tahay jiritaanka Somaliland, madax-banaanideeda iyo difaaceeda.

3. Waa inaynu kala saarnaa dhaliilaha Muuse Biixi iyo danta Somaliland. Guul-darradiisu ma caddayn karto wax-qabad la’aanta difaaca dalkeenna.

4. Waa in aan u midownaa hagaajinta kala qaybsanaana, xoojinta difaaca wadajirka ah.

Aynu u wada istaagno ilaalinta xasiloonida iyo qaranimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here