Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Koox Damacsan Inay Somaliland Dumiso

0
1574
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in koox cadow ahi ay damacsan tahay in ay Somaliland dumiso.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, waxaanu sheegay in Somaliland aanay ka soconayn oo aanay aqbalayn.

Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu eedayn culus ujeediyay Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Somaliland burburiyaan, waxaanu sheegay in uu bedelay magaca jagada uu hayo.

Waxaa uu sheegay in beeno aan sal iyo raad lahayn ay faafinayaan cadawga Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland xadkeeda si dhakhso ah u tagayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here