Madaxweyne Biixi oo Kormeer Ku Tagay Xarrunta Wasaaradda Warfaafinta

0
1290

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka  iyo wacyigelinta, waxana halkaas ku soo dhaweeyey madaxda wasaaradda oo uu hoggaaminayo Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa booqashadiisa ku soo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay, goobaha warqabadka, xarumaha Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka iyo dhammaanba xafiisyada kala duwan ee ay ka socoto shaqada wasaaraddu, waxana uu warbixinno ka dhegaystay madaxda qaabilsan waaxaha uu kormeeray.

Madaxweynuhu waxa u kuur galay hannaanka ay u shaqeeyaan waaxyaha wasaaraddu, isaga oo markii dambena kulan gaar ah la qaatay shaqaale weynaha wasaaradda oo ay hormuud u yihiin wasiirka warfaafinta iyo madaxda kale ee wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso iyo kaalinta ay shaqaale weynuhu ku leeyihiin in bulshada wacyigeeda kor loo qaado.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay inay dedaalkooda kor u qaadaan, difaaca qarannimadana waqti badan geliyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo madaxdoodaba uga mahadceliyey shaqada ballaadhan ee ay bulshada u hayaan, waxana uu ku dheeraaday Barnaamijyada waxtarka leh ee ay Idaacadda iyo Telefishanka qaranka laga sii daayo oo ku tilmaamay kuwo garaadka bulshada dhisaya, aqoon iyo waayo-aragnimona ku dhisan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu ka madaxweyne ahaan u hagar baxayo wax kasta oo wasaaraddu ku horumarayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here