GABILEY, (HargeisaPress) —Waxa bari si rasmi ah ugu bilaami doona gobalka gabiley qaadashada kaadhka codeynta ee muwaadinka kastaa xaqa uleeyahay inuu helo iyadoo maalmihii udanbaysay ay masuuliyinta gabiley ay udiyaar garoobayeen iney dadkooda ku baraarujiyaan qaadashada kaadhka codeynta.isla markaana loo baahanyahay gadiid badan oo lagusoo daad gureeyo dadkooda ku nool dalalka aynu jaarka nahay sida jabuuti.ethopia.hadaba waxa maanta la kala direy shaqaalihii ugu horeeyey ee komishinku iney gaadhaan goobihii loogu talo galay.
inkastoo komshinka gobalka gabiley uu yahay komishinkii ugu awooda yaraa ee shaqadiisu karti la’aan kalsooni daro badan ka muuqo oo hawlaha shaqo aanay masuuliyadii ka saarnayn.
Ilaa imika waxaan la dhamays tiring 7 gobood ee gobalka gabiley shaqaalihii komishinka gabiley ayaan imika aan si kalsooni ku jirto u kala garanayn goobihii ay ku qornayeen.iyagoo dhaliil usoo jeediyey komshinka gobalka gabiley oo ugu horeeyo gudoomiyaha komishan gobalka gabiley. xooghaye komishinka gobalka.oo aaan gabi ahaan shaqadoooda gacantooodana ku qoranayey shaqaalihii xaqa ay ulahayeen gobalka oo jeebka ku shubtey shaqsiyaad siiyey.marka laga reebo 100 ardey ee la siiyey jaamacad timacade ee gobalka gabiley.isla markaana loogu talo galin indoorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo gobalka gabiley isla markaana ku baaqey komishanka qaranka in lagasoo badalo gobalka oo ay ceeb iyo meel ka dhac usoo jiidayaan milgaha qaranka Somaliland.
Sidoo kale iskashatada gadiidley gabiley ayaaa ku baaqey in gadiidkooda looga shaqalaysiiyo goobaha laga qaadanayo kaadhka codeynta islamrkaaana ay xaq uleeyihiin iney ka shaqeeyaaan gobalkooda sida gobalada kale ee Awdal iyo Saaxil oo gadiidkoodi gobalkasta loo shaqaalaysiiye.isla markaana eed dusha ugu tuurey komishanka qaranka iney xaqoodi duudsiyeen .ismarkaana ku baaqey mudaharaaad salmi ah oo gadiidlaydu samayso wallow aanay ilaa maanta aanay waxba dhicin.
Haddaba SHIRKADA AMAL CONSTRUCTION AND TRANSPORT oo ay ku timaamen in loo samaystey iney xaqooda kaliya duudsiyaan gobalka gabiley oo aanay shaqo ku lahayn gobalada kale isla markaana ku ku tilmaamay shirkad aan hore ujirin ee dhawaan la sameeyey oo shaqsiyaad ay samaysteen share financial transport ku leh national election commission ay leeyihiin shirkada AMAL TRANSPORT .
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com
Mobile ..0634633737