Faratoon oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha iyo Dibedda Somaliland

0
1526
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeisa (Hargeisa Press) โ€“ Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ahna Musharax u tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso.

Faratoon ayaana waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda talada dalka haysaa ay ka goโ€™antay inay umadda wax u qabato, horumarna gaadhsiiso waddanka.

Proff Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Covid-19 iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay โ€œDhinaca Siyaasadda Arrimaha Dibedda, iyo Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo dhinaca walba meel fiican baynu maraynaa, inkastoo xilkii Wasiirnimo iska casilay, oo aan ahay Musharaxa, haddana Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba way ka goโ€™an tahay horumarka dalka iyo dadkaba, way ka goโ€™an tahay inay dalkeenu ictiraaf helo, insha allaahna waynu heli doonaan wax walba oo inaga dhiman, maxaa yeelay maantaba waxaa guul inoogu filan inaynu wax walba qabsanay iyadoo aanay ciddina inaga caawin, Doorashooyinkeenu sida ugu fiican bay inoogu dhici doonaanโ€.ayuu yidhi ex wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Mar wuu ka hadlaayey Covid-19 wuxuu yidhi โ€œWaynu la soconaa in Covid-19 yahay xanuun malaayiin qof ku dilay Caalamka, inagana dad baa inagaga dhintay, ee ALLE ha inoo sahlo, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo dadkeena u jiifa uu caafimaad ugu beddelo, ee tallooyinkaas iyo wacyigelintaas ku saabsan sida la iskaga ilaalinayo xanuunkan ha la raaco, oo aad ha looga feejignaadoโ€.ayuu yudhi Faratoon.

Mar wuu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi โ€œAbaaruhu waa mid ka mid ah masiibooyinka jira, ee waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu abaarahaas inoogu beddelo nimco oo uu inoo shubo roobkiisaโ€.ayuu yidhi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here