Fannaaniintii Caanka Ka Ahaa Gayiga Soomaalida Ee Geeriyootay Sannadka 2020

0
1386

Hargeisa (Hargeisa Press) — Sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 waxaa geeriyooday fannaaniin caan ka ahaa gayiga Soomaalida iyo caalamka, islamarkaana ka mid ahaa Hoboladii Waaberi.

Fannaaniintan oo qaarkood ku dhintay dalka dibadiisa, ayaa waxaa qaarkood u dhinteen cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

Hoos ka akhriso Fannaaniinta Soomaalida ee geeriyootay sanadkan

08, April, 2020  waxaa isbitaal ku yaala magaalada London u geeriyooday cudurka Coronavirus Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey cisbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.

Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.

Xudeydi ka sakow kabanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay, waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaalida.

24, Jan 2020 waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Mulaxankii weynaa ee Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo ahaa muusiishan siweyn looga garanayay gayiga Soomaaliya oo idil.

Da’uud waxaa uu ka mid ahaa Muusashiinadii udub dhaxaadka u ahaa Hobalada Waabari isaga oo tumay heeso badan oo caan ka noqday gayiga Soomaalida oo ay qaateen fannaaniin waaweyn oo luuqdooda aad loo jecel yahay.

14.April 2020 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaalihii Hoballada Waabari Cumar Cabdulle Shooli oo ahaa fannaan safka hore kaga jiray fannaaniinta sida weyn loo jecel yahay luqdooda iyo waliba heesahooda intaba.

Waxaa uu ku magacdheeraa ” Madaalihii Hobolada Waabari” oo dadka yaqaanna ay ku sheegeen in ay ugu baxday sida uu mar walba ugu taagnaa in uu dadka ku madaaliyo codkiisii macaanaa iyo heesihiisii Jeceylka u badnaa oo ay dhalintu wakhtiggiisii aad u dhageysan jireen.

05, Jun, 2020 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee mid ka mid ah tiirarkii dhinaca fanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dheer xanuunsanaa, waxaa uu ka mid ahaa fannaaniintii codka layaabka ah laheyd.

Waxaa kaloo uu ka mid ahaa fannaaniintii safka hore kaga jirtay Hobalada Waabari isaga oo qaaday heeso Jaceyl iyo kuwa wadanni ah oo aan marnaba laga xiiso dhicin gaar ahaan marka la eego luuqda ama codka lagu qaadayo.

19, October, 2020 waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay fannaanidii weyneyd ee Hoboladda Waabari Seynab Xaaji Cali Baxsan oo waayadii ugu danbeeyay xanuunsaneyd.

Seynab waxaa ay ka mid aheyd Gabdhaha fannaaniinta ah ee codkooda sida gaar ah markiiba loo garan ogaa waxaana ay heeso badan oo talantaali ah la qaaday fannaaniin waaweyn oo ka tirsan hobalada Waaberi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here