Hargeysa, (HargeisaPress) —Magaalada Hargeysa waxaa galabta ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.
Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay BBC walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.
Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.
Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.
Shay Mire Dacar, oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansan Soomaalida waxaa uu fanka ku biiray sanadihii 80kii, waxaana uu ka bilaabay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Shay Mire Dacar waxaa uu ahaa fanaantii loogu jecel yahay codkooda markay ay heesayaan, waxaa uu qaadi jiray heeso badan oo dhulka Somalida xoog looga jecelyahay, waxaana uu ka qaybgalay bandhigyo badan oo lagu qabtay Gudaha Somaliya iyo Dalka Dibadiisaba.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP