Dallada Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Diwaan Gelinta Ka Bilaabantay Gobolka Sanaag

0
841

Hargeisa, (HargeisaPress) —Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa War-saxaafadeed ay ka soo saartay Bilowga Diwaangelinta Gobolka Sanaag kaga warrantay siday u bilaabantay Diwaangelintu, Caqabadaha jira iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

 

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil, ayaa u dhignaa sidan, “Waxa maanta (Shalay) oo Bishu ahayd 16-kii Julaay, 2016-ka loo darreerey goobaha diwaan-galinta cod-bixiyaasha ee gobolka Sanaag. Gobolkan oo noqonaya kii shanaad ee ay si quman uga bilaabantay diwaan-galintu, ka dib hal bil oo loo hakiyey bishii barakeysneyd ee Ramadaanta awgeed.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan danneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhacdey xarunta Khayriyada ee Magaalada Ceerigaabo14-kii Julaay 2016-ka, oo ku taal badhtamaha magaalada. Dhammaan danneeyayaashii ka soo qayb galay xafladdaasi waxa ay isku waafaqeen in ahmiyad gaara la siiyo gobolkan oo baaxad, iyo dhul ahaan aad u kala durugsan oo duruuftiisu aanney la mid aheyn kuwii hore ee ay ka hirgashey diwaangalintu.

 

Badiba goobbaha diwaan-galintu waxa ay si wacan uga bilaabantey dhammaan gobolka wakhtigii loogu talo galay, inkasta oo goobaha qaar wakhti dambe la furey sababo dhinaca farsamo cilladeed jirtey awgeed iyo goobaha qaar oo aad u foggaa. Goobaha loo qoondeeyey in diwaan-galintu ka bilaabanto ee gobolka Sanaag waxa ay KDQ sheegeen in ay yihiin 206 goobood. Hase ahaatee, waxa laga jarayaa tiradaasi guud dhawr goobood oo xaalado jira darteed u suura-gali kari waayey in diwaangalintu ka qabsoonto. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in doorkan ay diwaangalintu ka dhaceyso goobo ku cusub gobolka Sanaag oo aanney hore doorashooyinkii waddanku ugu dhicin.

 

Waxa kale oo ay soo tabiyeen goob-joogayaasha maxaliga ahi ee SONSAF ay u kala dirtey goobahaasi in degmooyinka Badhan iyo Dhahar aanney maanta (shalay) ka dhicin wax diwaangalin ahi, iyada oo qalabkii diwaangalintu ay gaadheen caawa (Xalay), lana filaayo in diwaangalintu ka bilaabmato berri (Maanta) gaadiid la’aan ka dhacdey gobolka Sanaag ayaa sababta ugu weyni ay ahayd ee keentey arrintaasi, taasi oo ka dhigeysa in tiradii guud ee KDQ ay sheegeen aanney suurtoobin in ay ka wada dhacdo gobolka Sanaag, duruufo ku gadaaman gobolka.

 

Lama soo sheegin ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacdey goobihi loogu talo galay diwaangalinta in ay ka dhacdo ee degmooyinka gobolka. Waxa kale oo la soo sheegey in dhammaan dadweynihii goobaha diwaangalintu ay si heer sare ah u soo dhaweeyeen hawl wadeennadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka “KDQ” ee ku hawlanaa arrimaha diwaangalinta.

 

Koox hawl wadeenno ka socdey Dallada SONSAF ayaa soo gaadhey hal usbuuc ka hor gobolka Sanaag, si ay tobabarro u siiyaan shaqaalihii goobjoogayaasha maxaliga ahaa iyaga oo kaashanaysa, madasha ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), kuwaas oo Dallada SONSAF ay u kala dirtay gobolka Sanaag degmooyinka uu ka kooban yahay. goobjoogaysha maxalliga ah oo dhan 39 xubnood oo matalaayey ururada bulshada, ayaa gaadhey degmooyinkaasi, iyaga oo si toos ah u soo tebin doona warbixinno hufan oo dhexdhexaad ah oo la xidhiidha arrimaha diwaangalintu inta ay socoto.

 

Dhanka kale waxa ay xaqiijiyeen goobjoogayaashu in cilladaha xagga farsamo ee gobolku ay u badnaayeen dhinaca computerka, iyo engiinnada oo sababey in goobaha qaar xilli dambe la furo. Sidoo kale waxa ay goobjoogayaashu qireen in gaabis badani ka jiro xagga isku soo baxa abaabulka dadka, oo sababta ugu weyni ay tahay wacyigalin la’aan baahsan oo gobolka ka jirtey.”

 

 

Allah Mahad leh

Mustafe Sacad Dhimbiil

Guddoomiyaha SONSAF

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here