Faallo Siyaasadeed: JAHAWAREERKA SIYAASADDA HOGGAAMINEED EE XISBIGA UCID W/Q: Siyaasi Maxamed Maarshaal

0
936

Bahasha carsaanyadda la yidhaa, way caggo baddan tahay, afarta jihana way u socotaa, lama garto dhinacay u dhaqaaqi doonto, Waxaa  xaalkiisu sidaa ka dhigan yahay xisbiga UCID oon loo kala garan Karin Mucaarid iyo muxaafid. Bal ila wadaag jaantuskan:- Xisbigu waa xisbi saddex xisbi ah: Guddoomiye faysal oo dhinac ah, Musharaxiin Jamal Iyo Abdirashiid oo dhinac ah iyo Cali Guray oo dhinac ah

Markay is qabtaan Guddoomiye Faysal Iyo Jamaal, Waxa soo dhex galla Cali guray oo ah isku xidhaha labaddan kooxood, sidoo kale saddexdan Kooxood midwaliba awooddo aan dastuurka xisbiga waafaqsanayn ayuu addeegsaddaa ama isticmaalaa markuu doono, bal dhugo xogtan:

19 July 2014, Cali Guray wuxuu xilkii ka qaaday Yuusuf budle oo ahaa xoghayihii arimaha dibadda, markii uu eedaymo u soo jeediyay Djabouti, fariin kooban oo uu dagalkiisa Facebook soo dhigay ayuuna ku caydhiyay. Labadda kooxood ee kale afkalaqaad ayay ku noqotay, si  jujuub  ahna waa lagu meel mariyay go’aankii cali guray.

19 September 2014, Rabshaddo ka dhacay gabiley oo dad dhalinyar u baddani ku dhaawacmeen ayaa Jamaal Cali xuseen ka hadlay dhaleeceeyayna, balse maalintii xigtay ayuu faysal ka daba qaatay oo si xun u weeraray Jamaal, halka jamaalna malintii xigtay isna ka daba qaatay Faysal ,, waxa ifka yimid khilaafkii xamxamtiisu shacabka duul duulka ku soo gaadhaysay.

May 2014kii, waxa si wayn fagaarayaasha siyaasadda u soo gallay, in Faysal Cali waraabe, iib u raadinayo xisbiga UCID, waxa mararbadan oo ka danbaysay soo shaacbaxday arintan iibka oo Ilaa Djabouti iyo Dubia ba lagu falanqeeyay

Nov 2014kii: Faysal Cali waraabe wuxuu ku doodayay in doorashadda baarlamaantka la soo horaysiiyo, isagoo xisbiga UCID matalayay, Halka Jamaal Cali Xusseen ku doodayay in ta madaxwaynaha la soo horaysiiyo ama mar lawadda qabto.

Aragtida siyaasadda kooxahani way ku kala duwan yihiin Marwalba, bal aan ku horayno Faysal, Gudoomiye Faysal Wuxu u arkaa inuu yahay haatan, garaadda goys siyaasiya, leeyahayna, mug iyo miisaan, masraxa siyaasaddana yahay kii ku haboonaa, wallow uu laba jeer oo hore isa soo sharaxay, haddana wuxuu qabaa in  maanta fursad wayni uga banaantahay loolanka siyaasadeed ee Somaliland.Mid ka midda sababaha Faysal u danaynayay in Doorashadda barlamaanku soo horaysaa waxay ahayd

  1. Khiddad siyaasadeed oo uu ku jilaafaynayo Jamaal, kuna wareemayo Ciro isagoo rabay in Uu dhisto golla dhexe, xubnana u soo gallaan baarlamanka, kadibna si fudud ay ulla khaarajiyaan Jamaal Cali Xuseen
  2. Cali Guray, Saacadahan wuu iska barbariyaa khilaafka, waa leedo ku joogoo, wuxu isku dheeli tiraa labaddan garab.

Muranka doorashooyinku muddo dheer ayuu soo jiitamayay, Jamaal Cali xuseen waa Musharax kaliya ee ilaa imika u taagan musharxnimo xisbi, haddana door muuqda oo siyaasadeed kuma laha heshiisyadda siyaasadeed ee la gaadhayo, Xisbiga waxa matala inta baddan, Faysal cali waraabe, oo aragtidiisu ku dhisan tahay in doorashadda barlamaanku soo horayso, marwalbana aanay aragtidiisa siyaasadeed salfadhiyin, ma matalo oo kaliya arimaha danaha xisbiga ee faraha baddan balse sidoo kale waa wakiilka xisbiga ee arimaha doorashadda,

27 May 2015, Waxaa dhacay heshiis wayn oo saddexda xisbi ku soo afjareen khilaafkoodii siyaasiga ahaa, waxa UCID u matalayay Faysal Cali waraabe, halka musharaxii xisbiga laga garbiyay dhacdooyinkan oo dhan.

Musharaxa Xisbiga UCID oo inta baddan arrimaha doorashooyinka ka ah maqaarsaar, ayaa  12 Agusut 2015  Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi u yeedhay saddexda xisbi qaran, UCID waxa u matalayay Gudoomiye Faysal, Suaalo gudooomiyuha maxkamadda sare  waydiiyay, ayaa waxay marlabaad lurkii ku kicisay Faysal, isagoo si qayaxan ugu yidhi guddoomiyaha  maxakamadda sare, doorashadda barlamaanka hala soo horaysiiyo oo hala kala qaado, ku darsoo akhriste, maanka wuxuu ku hayaa inuu u far qaboojiyo xukumadda, isaguna uu fursadiisii hello..

Shirkii ay ku baaqeen xisbiyadda qaranku, waxa matalayay Jamaal cali xuseen, fursad wayna waxay u soo baxday mucaaridkii, mar haddii uu Faysal maqan yahay, jiibta iyo jaanta ayay isla heleen xisbiyaddii mucaaridku, balse waxa meel halkeer ah ku dhakan, xaaji Cali Guray, oo dareemaddiisu si toggan ula shaqaynayaan Faysal, wuxuu ganafka ku dhuftay, Shirkii xisbiyadu ku baaqeen, isagoo qiil ka dhiganaya in uu ahaa kusimaha gudoomiyaha, jamaalna aanu waxba la socodsiin. Qudhadayda way iga dagi laada’aye,

Jamaal Cali xueen iyo Cabdirashiid, maxay ka yihiin xisbiga UCID mar hadday arin doorasho iyo mid xisbiba banaanka ka joogaan? Allaylahe, waa su’aalo ay shacabku inta baddan is waydiinayaan.

Odoroskaygu Wuxuu yahay, Maanka anigoo ku haya, in UCID IYO WADDANI yihiin hal xisbi oo kala dhambalmay, haddana murankii Faysal iyo Cabdiraxmaan wuxuu noqday in xisbiga looga tago Faysal, taas oo reebtay halxidhaale siyaasi ah, dhacdadaasi waxay ka horimanaysay Xeerka nidaamka ururadda Iyo asxaabta siyaasadda xeer 14,oo sheegaya in Ururku uu soo gudbiyo liiska magacyadda aasaasayaasha iyo habkii loo doortay, taas oo meesha ka saaraysa in aanu xisbigu/Ururka qof sheegan, shuruudna loogaga dhigay codsiga diiwangalinta ururadda,

Dhaliilaha xisbiyadda qaranku yeesheen guud ahaan ayaa ah in xisbi walba nin sheegto, taas oo ka hor imanaysa, xuquuqdii muwaadinku inuu damac yeelan karo, dimuquradiyadiina  god madow ku ridaysa, Isku dhacii Faysal Iyo Cabdiraxmaan Ciro wuxuu baddalay aragtidii laga haystay xisbinimadda, iyaddoo isku baddashay goob uu nin leeyahay, meeshana wadda lahaanshiyihii ka baxay, dhacdadaas oo uu hormood ka noqday Gudoomiye Faysal taariikhdana u gashay, ayaa waxa kaga dayday xisbiyadii kale oo u muuqda qaar cido gaar ahi leeyihiih, somalidu horay u tidhi ‘ Awrba Awrka hore ayuu socodkiisa leeyahay’

Siyaasiyan Waxaan qabaa, in Faysal yahay, qodax ku taagan hanaqaadka dimuquraadiyadda iyo nidaamka asxaabta baddan, sheegashadda xisbiga UCID iyo cuno iskaga marka hoggaankiisaba waxay sumcadd xumo u soo hoysay Xisbigii iyo Faysal laftiisa. Dhinaca sharciyadda iyo dimuquradiyadda xisbigii wuxuu u eekaaday, hanti uu nin leeyahay oo hadba cidduu doono uu kula shuraakoobayo, sidoo kalena sheegashadiisu waxay horseedaysaa burbur xisbi.

Inta baddan siyaasiyiinta falanqeeya siyaasadu waxay tilmaamaan in Jamaal iyo Faysal heshiiskoodu ahaa 5sano oo kaliya, balse uu Jamaal ka dharagsanaa murankii Faysal Iyo Ciro, una muuqato Inuu ka sii gaashaantay, taas oo marnaba suurto gal ka dhigayn in si fudud uu Jamaal xisbiga uga huleelo, iyagoo doodooda ku ladhaya sidan:-

  • Dhaqanka soomaaligu waa xumad jabin, intabadana uma kala cadgooyo labada shaqsi ee muransan, balse labaddaba guulaysta ayuu yidhaa, sifo sharci iyo sifo dhaqanba, doorkan Faysal way ku soo adagtahay, kuna soo fadhi xuntahay

Khilaaf iyo damac musharaxnimo oo xisbiga UCID dhexyimaadaa wuxuu sababayaa in xisbigu aanu saamayn siyaasadeed yeelan, awoodiisiina ay sii wiiqanto, hantaaqada iyo doc ka yeedhista Faysal, waxay karaarjabin iyo kala firdhinba ku keenaysaa taageerayaashii xisbiga

Guntii Iyo Gabagabaddii

Jamaal Cali xuseen , Muu helin fursad wanaagsan, ama xisbi wanaagsan oo uu ku iibgeeyo hoggamintiisa iyo aqoonta lagu tuhmayo, isqabqabsiga hoose ee xisbiga , iyo jawaabaha isku lidiga ah ee Faysal iyo Jamaal, iyo siyaasadda Faysal ee hadba galinba nooc ah waxay xisbiga dhigtay gal galin madhan.. marnaba kama soo kici karo kaalintaa saddexaad iyo saamayn la’aantaas siyaasadeed ee xisbiga UCID, si kasta oo fursadd siyaasaddeed oo kastaa u soo baxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here