Faafinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Ee Somaliland Oo La Daah-furay

0
454

Hargaysa (HP): Wasaarradaha warfaafinta iyo shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda ee Somaliland ayaa maanta si wada jir ah u daah-furay barnaamijka faafinta rasmiga ah ee xeerka shaqaalaha rayidka Somaliland.

Sidoo kale waxaa daah-furka faafinta xeerka shaqaalaha rayidka qayb ka ah wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland oo iyada ay masuuliyadaheedda ka mid tahay faafinta dastuurka iyo xeerarka ka farcama.

Xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland ee Xeer Lanbar 31/2020-ka, kaasoo wixii hadda ka danbeeya ay si rasmi ah u faafin doonto warbaahinta dawladda ee Somaliland.

Inkastoo sanadkii 2004-tii la ansixiyay xeerka shaqaalaha rayidka ee Somaliland hadana waxaa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay ilaa laba jeer, iyadoo markii u danbaysay ay ahayd sanadkii 2020-kii.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here