Erey ku saabsan Dhacdadii Wakiillada W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

0
917

Khilaafka siyaasadeed ee Soomaalilaan ku soo noqnoqdaa waa mid ka soo jeeda hirdanka sharciga iyo sharci darrada. Ma jiraan hay’ado garsoor oo si madax bannaan uga garnaqi kara khilaafaadka sharci ee dalka ka dhaca, haddii ay jiraanna hannaanka ay u dhisan yihiin ayaan u saamaxi karin inay waajibaad intaa le’eg gutaan. Taasi waxay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa awood dhexdhexaadisa awoodaha qaran ee maalin walba madaxa iskula jira. Si taa la mid ah, ma jiro shacab si caqli ku dhisan uga garsoori kara murannada sharci ee dalka la hadhay iyo garasho bulsheed oo dhaaddan qiyamta sarraysa ee sharciga.

Murannada sharci ee ka dhex oogma golayaasha iyo axsaabta kala duwan ee qaranka waxa badiba hadheeya dareenno dahsoon oo siyaasi ah. Mar walba waxa is haya laba dhinac; laba qof, laba kooxood, iyo laba danood. Labada dhinac ee is hayaa ma wada saxnaan karaan, mana wada khaldanaan karaan. Waa inuu jiraa dhinac saxsan oo dooddiisu sharciga waafaqsan tahay iyo mid khaldan oo mawqifkiisu sharcidarro yahay.  Sidaa darteed, mar kasta waxa jira dhinac badheedhsan oo si indho la’aan ah ugu tumanaya sharciga. Waxa kale oo jira dhinac sharciga ku taagan, laakiin si khaldan sharci wax ugu doonaya. Labadaa oo waayay cid u garsoorta ayaa xaajada ka dhigay mid magansata odayaal cumaammado sita oo magacyo reereed ku xoogsanaya iyo dad kale oo badan oo wejigooda ka ganacsanaya. Halkan waxaynnu ku eegi doonnaa dhacdadii golaha Wakiillada iyo dareennadii ka dhashay.

Dhacdadii Golaha:

Arrinta ka dhacday golaha Wakiillada Soomaalilaand waa fadeexad iyo foolxumo taariikhi ah. Inkasta oo aanan goobjoog ka ahayn, haddana, waxaan muuqaallada dhacdadaa kaga bogtay degellada Internetka. Wixii iiga soo baxay daalacashada ka sokow, dhawr qodob ayaan jecelahay inaan si gaar ah uga hadlo.

Cirro waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, marka uu joogo na isaga ayaa xaq u leh inuu golaha hoggaamiyo. Khalad weyn oo taariikhi ah ayay ahayd in Baashe isku dayo inuu awooddaas ka maroorsado guddoomiyaha. Baashe midhaa wuu ku khaldamay.

Muuqaallada aan ilaa hadda daawaday waxay muujinayaan in Cirro dagaalka gacan-ka-hadalka ah ku horreeyay oo isagu feedhka bilaabay. Isaga oo ah guddoomiyihii golaha iyo musharrax u taagan madaxweyne; inuu sidaa u dhaqmaa waxay daaha ka faydday shakhsiyaddiisa dahsoon iyo hoggaamintiisa labadaba. Wuxu muujiyay inuu yahay qof aan dulqaad badan lahayn oo haddii ay la noqoto awoodda ka doorbidaya sharciyadda. Sidii la doono ha loo arko ee tallaabadaa Cirro wuu khaldamay, waxaanay wax u dhintay kalsoonida lagu qabi karo.

Foolxumada ugu weyn ee meesha ka soo ifbaxday waa in dad shicib ah oo aan Xildhibaanno ahayni ka qaybqaateen gacan-ka-hadalkii saaka. Muuqaalladu waxay muujinayaan hoosaasin badan oo ay dad meesha tubnaa ku sameeyeen Baashe. Dadka dagaalkaa ka muuqda waxa la sheegay in qaarkood suxufiyiin yihiin. Haddii dhacdadan oo dhami foolxumo tahay, waxa iyana foolxumo laba jibbaaran ah in labada nin ee dagaallamay sifo reernimo loogu kala hiiliyo.

 

Maxamed saleeban 4

Cirro waxa uu ku doodayaa mooshinkan cod lama galinayo, isaga oo kii kan ka horreeyay toddobaad ka hor cod galiyay. Wuxu leeyahay kalfadhi qudha hal mooshin laba jeer goluhu go’aammo kama soo saari karo. Qolada kale na waxay leedahay shalayba waadigii xataa in laga doodo diiday ee degdegga codka u galiyay ee marka laga codad bato awoodaha golaha ha u adeegsannin sida aad adigu jeceshahay ee u adeegso sida uu sharcigu yahay. Waxay leeyihiin Cirro masuuliyaddii guddoomiyenimo ee Wakiillada ayuu uga faa’iidaysanayaa danihii xisbigiisa.

In badan oo ka mid ah oo Xildhibaannada mooshinka buuqu ka dhashay watay waa isla kuwii toddobaad ka hor laalay heshiiska lagu wareejiyay haamaha shidaalka Berbera. Shalay waxay lahaayeen lama wareejin karo, maantana waxay leeyihiin ha la wareejiyo. Fili maayo in shirguddoonka hoggaaminaya dadka sidaa u dammiirka liitaa leeyahay dareen ummadnimo oo hayaanka bulshada guryosamo ku furi kara. Meesha waxa isugu tagay dad xoogsanaya oo aan waxba hanbaynayn iyo dammiirlaawayaal xishoodka ka arraday.

Arrinta xiisaha gaarka ah lihi waxay ahayd in mudane ka tirsan goluhu Moobaylkiisa ka daaray heesta “Shinbirayahow heesa!” deetana sameecadda kor u dallacay. Intii isaga taabacsanayd oo idil ayaa heestaa la jibbootay oo la qiirootay. Waa maxay xidhiidhka ka dhexayn kara doodda golaha hor taallay iyo heestan? Heestu ma dadweynaha Soomaalilaan ayay ku socotay oo iyaga ayuu leeyahay waxaannu idiin qaadaynaa “Shinbirayahow heesa!” Mise wuu iska daaray oo ma garanayo ujeeddadii ay ku timid iyo munaasibadaha ay eg tahay in heestaa loo adeegsadaa? Waxay u badan tahay in ninkii heestaa daaray aanu waxba ka ogayn heestan iyo waayaheeda.

Dhacdada Kadib:

Dad badan oo arrintan ka hadlay waxay uga hadleen si aan wanaagsanayn. Dadkaa waxay isugu jiraan mudanayaal fadhiga golaha kadib warbaahintu dareenkooda wax ka weyddiisay, iyo dad kale oo ay madaxdhaqameedyo ka mid yihiin. Nin ka mid ah salaadiintan dambe oo magaciisa Sabbayse lagu sheegay ayaa yidhi: “Baashow, ragga golaha ku jira ee xaydhaystay baad ka mid tahay, raggii bahasha u soo dhintayna waa kuwaa meehaannabaya. Adiga oo Buuhoodle ka talin kari waayay inaad tidhaa golaha wakiilladaan ka talinayaa oo aad ku dagaallaantaa wax aannu kaa yeelaynno maaha. Tan waa loo soo dhintay oo curaddaa u dhammaaday. Intaa in ka badan laguu dul qaadan maayo.” Hadalkaa Sabbayse hadal suldaan iyo wax u dhow toonna maaha, xataa hadal qof wax kala garanayaa yidhaahdo maaha. Waa naxli iyo cuqdad yuururta, waana hadal Soomaalilaandnimada kala furfuraya.

Mudanayaasha aan dooddooda sida gaarka ah u soo minguurinayo waxa ka mid ah Ibraahin Mahdi Buubbaa oo ka mid ah xildhibaannada dhallinyarada ah ee golaha ku jira. Isaga oo xiiqsan, ayuu cod dheer oo xabeeb leh ku yidhi: “Madaxweynaha sharciga ah ee dalkani leeyahay ee aannu aqoonsannahay waa Cabdiraxmaan Cirro.” Bal idinku ka warrama ereygaa? Ninka sidaa u hadlayaa waa mudane baarlamaan, hadalkiisuna ma aha wax la dhayalsan karo. Dalka waxa lagu wada joogaa is-aqoonsi gudaheenna ah, waayo, ma jirto cid ilaa hadda ina aqoonsatay. Is aqoonsigaasi waa mid sharci ku dhisan, cidda burburisaana waa qaran dumiyayaal. Marka uu sidaa u hadlo mudane baarlaman oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbi bulshada cod ka raba, maxaad u malaynaysaa caammada iyo ma-kasta suuqa tuban? Maxaad se u malaynaysaa marka uu Ibraahin oo kale sidaa oo kale iskaga hadlo, ee la iska dhegaysto, la iska daawado, la iskaga sheekaysto, cidina waxba ka weyddiin weydo?

Mudane kale oo dhallinyaro ah oo la yidhaa Axmed-Yaasiin ayaa isaguna dareenkiisa ka hadlay oo yidhi: “Waxaan u arkaa in Cirro maanta uun muujiyay inuu Madaxweyne u qalmo.” Mudanahani madaxweynenimada muxu ku qiimeeyaa? Ma gacan-ka-hadalka? Guddoomiye Cirro gafka uu galay wuu qiray, shacabkana wuu ka raalligaliyay. Laakiin haddii qofku uu madaxweyne noqonayo kolka uu sharciga gacantiisa ku qaato, taasi waa fekrad gurracan. Waxa se hubaal ah, in hoggaaminta Cirro ee golaha Wakiilladu tahay tijaabo laga saadaalin karo hoggaamintiisa madaxweynenimo, haddii ba uu doorashada ku guulaysto. Haddii uu ku hoggaamiyo daacadnimo, hufnaan, dulqaad iyo sinnaan, waxa uu leeyahay rejo wanaagsan. Haddii se uu ku hoggaamiyo danaysi, kooxaysi, musuq iyo dulqaad la’aan; mustaqbal mugdi badan ayaa ka horreeya.

Aniga oo waxyaabihii aan liqi kari waayay ee labadaa xildhibaan ku tiraabeen wax ka saaraya dhallinyarannimadooda ayaa mudane kale makrafoonka loo dhiibay. Mise waa Maxamed Faarax Qabille oo nin da’ weyn u muuqda. Maxamed, hal erey ayuu dooddiisa ku soo ururiyay: “Bal aan eegno aniga la’aantay cidda ay wareejinta haamuhu ka suurtogalayaan.” Aniga… muxuu uga jeedaa? Dabcan waa dareen qarannimada iyo shuruucda laga doodayo burburin kara. Mudanahaasi sharci iyo sharci darro midna kama hadal ee waxa uu ka hadlay aniga iyo annaga. “Hadday wada aniga tahay, Siyaasadi aabbe ma leh”.

Gunaanad:

Marka Soomaalilaan la joogo, waxa mar walba sharciga ka sarreeya danaha qofka iyo qabiilka. Inta ay sidaa tahay, ma jiri karto dawladnimo suubban oo lagu tanaado, la mahadiyo, loo na wada hanweyn yahay. Dabarka bulshada isku hayaa waa dastuurka iyo xeerarka ka farcama oo ummaddu heshiis ku tahay in lagu dhaqmo, lagu na kala baxo. Sidaa darteed, haddii laga maarmo adeegsiga sharciga, qarannimada iyo dawladnimaduba meesha way ka baxayaan. Deetana waxa halkaa ka dhalanaya wax kasta oo liddi ku ah ladnaanta iyo wanaagga lagu wada leday rubuc qarnigii ugu dambeeyay.

 

 

 

Maxamed Saleebaan Cumar

Email: halabuur@hotmail.com

Facebook: Mohammed Suleiman

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here