Erdogan oo Putin Ku Cadaadiyay Inuu Xabbad-joojin Kaga Dhawaaqo Ukraine

0
793

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta ku cadaadiyay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu xabbad-joojin “hal dhinac ah” kaga dhawaaqo Ukraine.

“Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in baaqyada nabadeed iyo wada xaajoodka ay tahay in lagu taageero xabbad joojin hal dhinac ah iyo aragti lagu doonayo xal dhex-dhexaad ah,” waxaa sidaas laga soo xigtay xafiiskiisa inuu u sheegay Putin oo ay ku wada-hadleen taleefonka.

Erdogan, ayaa lagu waday inuu wadahadalka raaciyo mid kale oo gaar ah oo uu la yeelanayo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky gelinka dambe ee Khamiista maanta ah.

Hoggaamiyaha Turkiga, ayaa u adeegsanaya xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay Moscow iyo Kyiv inuu isku dayo inuu dhexdhexaadiyo in la joojiyo dagaalka.

Turkiga, ayaa martigeliyay laba wareeg oo hore oo wadahadallo nabadeed ah, waxaanu gacan ka gaystay in la fuliyo heshiis ay Qaramada Midoobay taageereyso oo dib loogu soo celinayo in hadhuudhka Ukraine laga gudbiyo Badda Madow.

Erdogan, ayaa sidoo kale marar badan isku dayay inuu Putin iyo Zelensky keeno Turkiga, oo uu u qabto shir madaxeed nabadeed .

Baaqa Erdogan ee xabbad joojinta, ayaa daba socday soo-jeedin horraantii Khamiista ka timid hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ruushka Patriarch Kirill oo ku aadan in xabad-joojin la sameeyo toddobaadkan ciidda masiixiga darteed.

Erdogan wuxuu awooday inuu sii wado xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay Putin, isagoo diiday inuu ku biiro cunaqabateynta Reer Galbeedka ee Ruushka, iyo kor u qaadista ganacsiga labada dhinac inta uu socdo dagaalku.

Labada hogaamiye, ayaa hadda isku dayaya qorshe ay ku doonayaan inay ku sameeyaan xarun gaaska dabiiciga ah lagaga dhisayo Turkiga, taas oo siin karta Ruushka hab kale oo uu gaaska ku gaadhsiiyo Yurub.

Xafiiska Erdogan, ayaa sheegay in Turkigu “xoojiyay oo uu sii wadi doono xoojinta kaabayaasha” xarunta la soo jeediyay.

Labada hoggaamiye waxay rajeynayaan inay “sida ugu dhakhsaha badan u fuliyaan mashruuca,” ayuu yidhi xafiiska Erdogan.

Shiine Elmi Kaahin

HargeisaPress

Istanbul Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here