Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia

0
475
Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia
Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan, ayaa sheegay in hab-dhaqanka Armenia ee ku aaddan Azerbaijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo weyn, kadib maalmo ay dagaal iskaga horyimaadeen labada dal ee deriska ah.

“Waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii – la gaadhay kadib dagaalkii (2020) ee Azerbaijan ku guuleysatay,” ayuu Erdogan ka sheegay isu soo bax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Armenia iyo Azerbaijan, oo tobannaan sano isku khilaafsanaa deegaanka Nagorno-Karabakh, ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay isku dhacyo xuduudeed oo dhacay gelinkii dambe ee Isniintii.

“Waxaan rajeyneynaa in Armenia ay sida ugu dhakhsaha badan uga soo laabato wadadan qaldan, ayna wakhtigeeda iyo xooggeeda u isticmaasho xoojinta nabadda” ayuu sii raaciyay Erdogan.

“Waxay dabeecadani, dabcan, u horseedi doontaa cawaaqib xumo dhinaca Armenia, taas oo aan kaliya buuxin shuruudaha heshiiska la saxeexay, laakiin sidoo kale muujinaysa dabeecad dagaal oo joogta ah.” ayuu yidhi Erdogan.

Isku dhacyada ka socda isgoysyada la iskaga kala gudbo Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, ayaa soo jiidan kara quwado waaweyn sida Ruushka iyo Turkiga iyada oo khatar gelinaysa dhuumaha keena galbeedka saliidda iyo gaaska.

Erdogan iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ka wadahadli doona dagaaladii ugu dambeeyay marka ay ku kulmaan magaalada Samarkand ee Uzbekistan dabayaaqada toddobaadkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Turki ah.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here