Ankara (Hargeisa Press)- Ogolaanshaha Washington ee ah in Ukraine ay gantaallada Mareykanka u adeegsato bartilmaameedyo milateri oo gudaha Ruushka ku yaalla waa “khalad weyn” oo dunida u jiidi kara dagaal weyn”, waxaa sidaas maanta yidhi madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Tallaabada Kyiv loogu ogolaaday inay isticmaasho gantaallada riddada dheer ee ATACMS, ayaa ka dhiggan isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka, taasi oo dhalisay jawaab cadho leh oo ka timid Moscow.
Moscow, ayaa Salaasadii ballaadhisay baaxadda marka ay isticmaali karto hubka nukliyeerka, taasi oo ah digniin cad oo ku wajahan Ukraine iyo Reer Galbeedka.
“Tallaabadan uu qaaday (Madaxweynaha Mareykanka Joe) Biden kaliya ma sii kordhin doonto colaadda, laakiin waxay horseedi doontaa falcelin weyn oo ka timaada Ruushka,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.
“Waxayna gobolka iyo caalamka qarka u saari kartaa dagaal weyn,” ayuu sidoo kale madaxweynaha Turkiga u sheegay saxafiyiinta ka hor inta aanu raacin diyaaraddii uu kaga soo laabatay shirkii G20 ee Rio.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in go’aanka Mareykanka loo fasiran karaa inuu yahay tallaabo lagu hurinayo dagaalka, si loo hubiyo inaanu waligii dhammaanin oo xiitaa sii fido.
Waxa uu tilmaamay in wareegtada Salaasadii uu saxeexay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u ogolaaneyso Moscow inay bixiso jawaab Nukliyeer, haddii lagu soo qaado weerar cirka ah oo baaxad leh, xitaa haddii kaliya loo isticmaalo hub caadi ah.
“Khaladka ugu yar ee lagu sameeyey khaladkan weyn. Wuxuu la mid noqon doonaa sida budo lagu shubay dab, marka waxaan kula talinayaa qof walba inuu taxaddaro,” ayuu yidhi.