Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Xaalad Caafimaad loo dhigay Cisbataalka Wayn ee Hargeisa.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyne ee Somaliland ayaa xaalad caafimaad daro soowajahday iyada oo la dhigay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysaayey wararku sheegayaa inay xaaladiisa caafimaad haatan wanaagsan tahay, taas oo uu ka soo kabanayo xanuunkii loo dhigay cusbitaalka.
Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ka tirsana Madasha Wada-tashiga ayaa marar badan si kulul u dhaliilay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE.
Eng Maxamed Xaashi waxa uu ku naqdiyey xukuumadda Kulmiye in nidaamka ay dalka u maamulaysaa uu yahay mid uu ku burburi karo, kaas oo ku dhaliilay sharci jabin badan oo ay ku talaabsato markasta.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP