Duqeymihii ka dhanka ahaa Xoogaga Xuutiyiinta Wadanka Yemen oo Hakad la Geliyay

0
870

Sanaa, Yemen (HargeisaPress) — Hay’adda Laan-qeyrta cas ayaa sheegay in dalka Yemen ay u dirayso diyaarado sida cunno iyo dawo, kaddib markii ay boqortooyada Sacuudigu shaacisay inay hakinayso duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli faallagada Xuuthiyiinta ah ee  dalka Yemen ay ku dhawaanayso magaalada Cadan oo Koonfurta dalkaas ku taalla. Waxaana jira warar sheegaya in xabbadu ka socota xaafadaha magaaladaas, iyadoo taangiyada Xuuthiyiinta ay gaareen dekedda Cadan.

Duqeymihii_Yemen_oo_la_Hakiyay (2)

Dhowr waddan ayaa kordhiyay dadaalka ay dadkooda uga saarayaan Cadan, halkaasoo ay ay ku lag-damayaan ciidanka dowladda itaalka daran ee dalka Yemen iyo xoogagga mucaaradka ah.

Tobankii maalmood ee lasoo dhaafay ayay xulafada ay dowladda Sacuudigu hormuudka u tahay isku dayeen inay hakiyaan Xuuthiyiinta; iyagoo cirka ka weerarrayay goobta ay ku sugan yihiin.

Hakinta duqeymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa ku yimid cadaadisyo ay saartay beesha caalamka, iyadoo xulufadu ay ku dhawaaqeen in la hakiyay duqeymihii Yemen, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gurmad bani’aadamnimo.

Ugu dambeyn, hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamka ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsaha badan ay dalka Yemen ugu dirayso, laba diyaaradood oo gurmad iyo shaqaale sida.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here