“Dunidda waxaa ka jira laba Caymis ka islaamiga ah iyo midka…”

0
578

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta kaga dooday xeerka Caymiska qaranka.

Xeerkaasi oo dhawaan la soo hor dhigay golaha, ayaa xildhibaanadu ay maanta aragtiyahoodda iyo dooddaha ay ka qabaan ay ka dhiibteen.

Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), oo ka mid ahaa mudaneyaashii xeerka Caymiska doodiisa ka qayb galay ayaa si adag uga hadlay qodobo ku jira xeerkaasi.

Waxaanu xildhibaanka ka waramay taariikh ahaan markii u horaysay ee Caymiska adduunka laga hirgeliyo ama laga isticmaalo, iyo sidoo kale waxa ay ku kala duwan yihiin Caymiska islaamiga ah iyo ka tijaariga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here