Dr’s Edna Aadan oo dhul ugu deeqday cusbitaal laga hirgelinayo Berbera

0
850

Berbera (Hargeisa Press)- Dr’s. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waxaa ay maanta dowladda hoose ee degmada Berbera ku wareejisay dhul ay ugu talogashay in laga dhiso cusbitaal loogu adeego dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera.

Dr’s Edna Aadan, ayaa dhulkaasi, waxaa ay ku wareejisay Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin.

Dhulkan ay dhakhtarad Edna ugu talogashay in laga dhiso cusbitaal, ayaa waxaa uu ku yaalla xaafada Daaroole ee magaalada Berbera, kaasi oo laga hirgelinayo cusbitaal loogu adeego hooyada iyo dhalaanka.

Dr’s Edna Aadan Ismaaciil, ayaa sheegtay in dhulkan uu lahaa awoowgeed, isla-markaana uu ka mid yahay dhulka ugu qaalisan ee ku yaalla magaalada Berbera, loogu adeegayo dadweynaha si ay u helaan daryeel caafimaad.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ay dowladda hoose ee degmada Berbera ay si dhakhso ah u bilaabayso dhismaha cusbitaalka, isla-markaana loogu magacdari-doono Yuusuf Ducaale Hospital.

Waxaana uu sheegay Maayarku in cusbitaalkan lagu dhisi doono miisaaniyadda dowladda hoose ee degmada Berbera, isagoona balaanqaaday in bulshada magaalada Berbera ay heli doonto adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here