Dr. Saleebaan Xaglotoosiye: Geesi ku Suntan Go’aanqaadasho!

0
899

Sawirkan hoose waxaa Ka muuqda Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-Toosiye oo ka Mid ah Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Imika ku sugan Dalkan UK. Wasiir Xaglotoosiye waa Wasiir Karti, Aqoon Iyo Go’aan-qaadasho uu Allah u dhaliyay Waana Halyeey Xiliga Nabada iyo Xiliga Colaada maqif cad loogu soo hagaago.

 

Waxa uu Hore u ahaa Hogaamiyaha Jabhadii SSC la odhan jiray ee Dagaalka kula jirtay Somaliland, waxa uu Dr. Saleebaan Xaglotoosiye si fiican oo aragti dheer u qiimeeyay faaiiada iyo Khasaaraha ku jiray Dagaalkii Macnaha darrnaa ee u dhaxeeyay Ummada Walaalaha ah ee reer Somaliland, Waxaana uu gartay in Nabada iyo Horumarku ay ka fiican yihiin kana Mudan yihiin Colaada iyo Abaarta, waxaana uu qaatay Go’aan Geesinimo oo ay Taariikhdu Xusi doonto. Waxa uu Kaalin muuqata ka qaatay heshiiskii dhex maray SSC iyo Xukuumada Somaliland, waxaana uu soo Afjaray Colaad uu Dhiig badani ku daatay, waxaana uu yimi Magaaladii uu ku dhashay waxna uu kuu bartay ee Hargeysa. Isaga oo imika ka mid ah Xubnaha ugu Miisaanka Culus ee hogaamiya Dalkeena Hooyo.

 

Waxaan usoo Jeedinayaa Xubnaha wali ka biyo diidsan Nabada iyo Horumarka iyo Heshiiska Walaalaha Reer Somaliland Waxaa Haboon Inay ku daydaan oo ay arkaan Dariiqa Taariikhiga ah ee uu jeexay Dr. Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye, kaas oo ah Dariiq Nabadeed, Dariiq Horumar, Dariiq Walaalnimo iyo Dariiq si Nabadgelyo ah oo Cadaalad ah ay Awwooda iyo Khayraadka Dalka ay u siman yihiin Muwaadiniinta Somaliland .

 

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here