Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah ugu yeertay safiirrada ka jooga Suudaan iyo Masar

0
882

Mugdisho,(HargeisaPress)—Dowladad Soomaaliya aya maanta muddo toddobaad ah ugu yeertay inay dalka ku soo galaan safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka Suudaan iyo Masar,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma jirin faahfaahin laga bixiyay sababta loogu yeeray sida dhaqsada ah inay dalka u soo galaan labada danjire ee dalalka Suudaan iyo Masar u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar  ,Cabdiqani Maxamed Waceys oo ah iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore, halka Cabdirisaaq Shoole , safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan sannadkii hore loo magacaabay xilka safaaradda, isagoo ka mid ahaa xilligii la magacaabayay Agaasime kuxigeennada madaxtooyada Villa Somalia.

Balse u yeerista safiirka ayaa ku soo aaddaysa xilli la filayo dowladda inay isbeddelo ku sameyso safiirrada u jooga dalalka caalamka, waxaana dhowaan golaha wasiirrada ay darajada safiirnimo u dalacsiiyeen illaa shan safiir.

HargeisaPress News Desk – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here